Guddoomiyaha golaha guurtida Oo Dagaal Duleedka Hargeysa Ka Dhacay Xildhibank U diray

0
162

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaano u diray shaqaaqo shalay ka dhacday duleedka magaalada Hargeysa.

 

Shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacday Koonfurta magaalada Hargeysa, kadib markii beelo walaalo ah, oo oodwadaag ahi ay isku qabteen dhul daaqsimeed.

 

Xildhibaanadan guddoomiye Saleebaan u diray degaanka Koonfurta Hargeysa, ayaa ka qayb qaadan doona xalinta shaqaaqada degaankaasi ka dhacday.

 

Geesta kale Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa ka dooday arrimaha dhaqaalaha ee dalka, waxaanay qaarkood sheegeen in dhaqaalaha dalku aad u liito, waxaanay soojeediyeen in laga faa’idaysto khayraadka dihin dalka ku duugan.

 

Sidoo kale waxa ay xuseen in aan sidii loogu talo galay looga faa’idaysan khayraadka Bad iyo Berriba leh.