“Ciddii sharciga aynu dhigannay ku tumataa Iyadaa iska xayuubinaysa wixii sharcigu siiyey” Cirro

0
115

“Ciddii sharciga aynu dhigannay ku tumataa Iyadaa iska xayuubinaysa wixii sharcigu siiyey” Cirr

Gudoomiye Cirro Oo War Kasoo Saaray Dacwadda Gudoomiy Khaliif waxaanu Yidhi

“Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhaysan maanta iyo warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada JSL ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku iyada oo Dastuurku kala madax bannaaneeyey waaxyaha Qaranka JSL ee kala: Garsoorka, Sharci dejinta & Fulinta.

In mundane ka tirsan Golaha Wakiilada oo la eedeeyey laga qaado xubinnimada oo Golaha laga saaro, waxaa waajibkaas gaar u leh Golaha Wakiilada waxaa loo raacayaa Dastuurka Qaranka qoddobka 79aad iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, in meela kale awooddii maroorsato waa gef iyo faro-gelin qaawan, waa arrin laf-jab iyo dhaawac ku keenaysa kala madax bannaanaantii Dastuurku waajibiyey, nidaamka Dawladnimada waaxyaha kala madax bannaani xilalka iyo awoodaha iskuma qabsan karaan.

Taariikhda maaha markii ugu horreysay ee mundane la eedeeyo ama Golaha laga saaro. Intii aan annigu aan Guddoomiyaha ahaa dhawr mudane baa laga saaray Golaha, balse waajibkaa ka saarista xubinta ee Golaha ama maamuus ka xayuubinta waxaa iska lahaa Golaha Wakiilada oo keliya maadaama Xubnaha Golaha Wakiiladu ay leeyihiin dhowrsanaan la mid ah ta uu leeyahay Madaxweynuhu.

Aqalka Golaha Wakiilada waxa ku waajib ah isaga oo raacayaa Xeer hoosaadkiisa iyo Dastuurkaba ka falcelinta talaabadan ugubka ah ee ay Waaxda Garsoorku u qaadday dhanka sharci jabinta iyo maroorsiga awooddii Golaha.

Ugu dambeyn, waxa aan leeyahay; ciddii sharciga aynu dhigannay ku tumataa iyada ayaa luminaysa sharciyaddeeda iskana xayuubinaysa wixii sharcigu siiyey.”

Murashax Madaxweynaha Xisbigaa Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro