“Gudomiye Khaliif iyo mudanayaasha kale ba xaq looguma laha in gal-dacwadeed lagu furo” Xil Maydhane

0
96

“Gudomiye Khaliif iyo mudanayaasha kale ba xaq looguma laha in gal-dacwadeed lagu furo” Xil Maydhan

 

“Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo mudaneyaasha kale ee Golaha Wakiilada toona xaq looguma laha inay maxkamadi gal-dacwadeed u furto ka hor inta aan xasaanadda laga qaadin. Qoraalada aan arkayaana, meelba kumay dalbane, hawshooda ayey iska wataan. Xasaanadda mudaneyaasha midkoodii lagu xadgudbaa waa iyadoo lagu wada xadgudbay oo kale. Mudanaha haybadda qaranka kaalinta saddexaad kaga jirana, warqadahani ma xeerin xataa intii mudanayaasha kale uun uu kala sinnaa. Golahanna, xujo ayaa hor taal…

 

Su’aashuba waxay tahay: Dastuurkii miyaa la laabay? Magaceenii haddeed halkii Jamhuuriyadda ahayd miyaan ku bedelannaa Boqortooyada? Waa halkii Aadan Siiree, “Ma aqbali karno sharcan wa caqlan!”

 

W/Q: Xildhibaan Mukhtaar Maydhane.