𝗠𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘄𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗲𝘆 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟.

0
104

𝗠𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘄𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗲𝘆 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Xasan Cali Maxamed Gaafadhi, agaasimaha guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha cisbitaalka guud Axmed Askar, waxa ay golaha warbixin guud ka siiyeen xaalada guud ee caafimaad dalka.

 

Waxa ay sheegeen in bulshada siiyaan adeegbixin caafimaad oo lacag la’aan ah, sida dadka Kelyuhu fadhiisteen, Qaaaxada, Kaneecada, HIV/AIDSka.

 

Sidoo kale waxa ay xuseen in kor loo qaaday shaybaadhka cisbitaalada, waxa ay intaas ku dareen in fidin lagu sameeyat adeegyada hooyada iyo dhallaanka, waxaanay tilmaameen in la hirgeliyay 285 xarumood oo hooyada iyo dhallaanka ah, taas oo keentay in ay hoos u dhacdo hooyada umul aroorta.