๐—ซ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐˜†๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐˜‚ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป

0
124

๐—ซ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐˜†๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐˜‚ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ

 

Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin ka dhagaystay guddida dhaqaalaha golaha oo muddo ka shaqaynayay xeerka shirkadaha Caymiska qaranka oo golaha horyaalay.

 

Gudoomiye guddida dhaqaalaha golaha guurtida Xildhibaan Axmed Dirir Cali, oo ahaa guddoomiyaha guddidii loo saaray xeerka, ayaa mudanayaasha u soo jeediyay inay ansixiyaan Xeerka Caymiska Shirkadaha oo uu sheegay in ay ka soo baaran dageen kalana tashadeen cid kasta oo uu xeerkani khuseeyo sida shirkadaha Caymiska iyo Komishanka Caymiska Qaranka, wasaaradda diinta jyo awqaafta, waxa badana ay ka waydiiyeen, sidoo kale waxa uu sheegay inay xeerkan kala tashadeen culimada dalka oo ay wax ka waydiiyeen waxa ay diintu ka qabto in la caymiyo gaadiidka iyo caafimaadka dalka.

 

Ugu danbayn waxa uu u soo jeediyay golaha inay sidaasi ku ansixiyaan Xeerka Caymiska Shirkadaha islamarkaana la tijaabiyo.

 

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dhawaaqay in guddi kale oo aan ahayn guddida dhaqaalaha loo saaro xeerka Caymiska shirkadaha lana siiyo wakhti dhan muddo todobaad ah.

 

Sidoo kale guddoomiyaha golaha guurtida ayaa guddi xoojin ah u magacaabay sadex Xildhibaan oo ka mid ah golaha inay xoojiyaan guddidii golaha guurtida u saaray xalinta xaaladda dagaal ee deegaanka Cali Saahid ee hawdka Gobolka Todhgeer.

 

Gaba’gabadii guddoomiye Saleebaan ayaa mudanayaasha ku wargeliyay inay u soo digaargaroobaan su’aalo weydiinta wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland, Xasan Cali Maxamed Gaafaadhi, oo hore xildhibaandu udalbadeen in uu golaha hor yimaado, si xaalada caafimaad ee dalka wax looga weydiiyo.