Madaxweynuhu Mandate Ha Siiyo Madaxdhaqeedkii Caynaba Xabad Joojinna ha ku dhawaaqo” G.Faysal

0
204

“Madaxweynuhu Mandate Ha Siiyo Madaxdhaqeedkii Caynaba Xabad Joojinna ha ku dhawaaqo” G.Faysal

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Usoo jeediyey inuu Madaxdhaqameedka somaliland gaar ahaa kuwoo Isku xilqaamay Xallinta Xaaladda Lascanod Awood buuxda u siiyo inay la xaajoodaan cid kasta oo doonaysay inay Somaliland kala hadasho arrinta làscaanod.

 

Eng Faysal oo qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey Bogiisa Twiterka ayaa Soo jeediyey in Xabad Joojin lagu dhawaaqo Dagaalka Laascaanod ah, isaga oo sidoo kale sheegay in ay nabaddu mihiim tahay Lana joogo wakhtigii nabad la Gaadhi lahaa, si loo gaadhana Awooda (Mandate) la siiyo Madaxdhaqameedkii Caynaba tegay.

 

Hadalka Gudoomiye Faysal ayaa I dhignaa sidan

 

“Nabadu waqti ayay leedahay,hada waxa lajoogaa waqtigii nabada,si nabad loogadho waxaan ugu baaqayaa Madaxwaynaha inuu Mandate buuxa Siiyo,Salaadiinta Reer SL ee Caynba tagay,si ay kalsooni u helaan ulana xaajoodaan Cidkasta oo Nabad ka shaqaynaysa,Xabad joojin Cusubna ku Dhawaaqo” Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe