Somaliland Oo Sheegtay inay ka Walaacsan Tahay Colaadda Suudaan Baaqna u Dirtay 

0
176

Somaliland Oo Sheegtay inay ka Walaacsan Tahay Colaadda Suudaan Baaqna u Dirtay

Xukuumadda Somaliland ayaa Sheegtay inay ka Walaacsan Tahay Colaadda sii xoogaysanaysa ee ka Taagan waddanka Suudaan ee u dhexeya Saraakiisha Ciidamada.

 

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa Ugu Baaqday Labada Dhinac Inay colaadda joojiyaan. Oo ay wada hadal ku dhameeyaan. Khilaafkoofa .

 

Cabdiraxmaan Saylici oo Qoraan uu arrintan kaga Hadlay ku baahiyey Bogiisa Twiterka ayaa Waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay ka walaacsan tahay rabshadaha sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan & Ciidamada Taageerada degdega ah”

 

Somaliland ayaa Ugu Baaqday dhinacyada isku haya Suudaan inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda oo ay wada hadal ku dhameeyaan wixii khilaaf ah ee Jira.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si degdeg ah u joojiyaan rabshadaha, lagana fogaado wax kasta oo sii kordha ama ciidan la geeyo, mudnaantana siiyaan wadahadalka lagu xallinayo arrimaha taagan.