Somaliland oo Sheegtay in Puntland Soo Weerartay Ciidanka Tuka-raq

0
264

Somaliland oo Sheegtay in Puntland Soo Weerartay Ciidanka Tuka-ra

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa sheegay in Puntland ay Weerar ku Soo qaaday ciidanka Somaliland Ee ku sugan Tuka-raq oo ay iska difaaceen.

Wasiir Cabdiqani Caateeye oo qoraal Soo Dhigay Bogga Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa Waxa uu sheegay inay dib u riixeen ciidanka Soo weerartay, ciidanka Qaranka oo ay iska caabiyeen.

Qoraalkan ayaa u dhignaa sidan:-

“Hargeysa-25-02-2023–Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL
Cabdiqani Maxamuud Cateeyee Fariid”