๐ƒ๐ ๐–๐Ž๐‘๐‹๐ƒ ๐“๐š๐œ๐š๐๐ข ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ ๐€๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ ๐‡๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐ข๐ข๐ง๐š ๐–๐š๐ฒ

0
203

๐ƒ๐ ๐–๐Ž๐‘๐‹๐ƒ ๐“๐š๐œ๐š๐๐ข ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ ๐€๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ ๐‡๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐ข๐ข๐ง๐š ๐–๐š๐ฒ๐Š๐š ๐–๐š๐๐š ๐‚๐š๐ฒ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐ข๐ข.

Xildhibaan Mubaarig Xuseen Maxamed Xeeldheere oo ka mida golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka dayriyay wax qabad la’aanta shirkada DP WORLD iyo balan qaadyo ay samaysay oo beenoobay, kuna hungoobeen reer Berbera.

Xildhibaanka oo xalay fagaare uga qudbadeeyay dadka reer Berbera ayaa sheegay in Shirkada DP WORLD ay ka baxday heshiiskii iyo balan qaadkii looga sheegay reer Berbera wakhtigii la keenaayay dalka, kuwaas oo ahaa inay horumarinayso, waxna ka qabayanso baahiyaha aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin Waxbarashada, Laydhka, Caafimaadka, Beeraha, Biyaha Iyo IWM.

Xildhibaan Xeeldheere waxa uu sheegay in DP WORLD ay tacadi iyo culaysyo kala duwan ay ku hayso reer Berbera, dhalinyaradii deegaankana ay ka caydhisay xilalkii sare iyo goobihii shaqo ee muhiimka ahaa ee ay qaban lahaayeen, kuna maamulaan dad lasoo waariday iyo ajaanib, waxaanu ugu baaqay reer Berbera maadaama ay ka fara madhan yihiin DP WORLD inay kacdoon la sameeyo oo la hor tagaan, waxna ay ka qabtaan inta ay dhawdahay.

Xeeldheere waxaa kale oo uu sheegay in shirkada la qarinaayo faa’idada dhaqaale ee sannadkii ay ka hesho dalka, Madaxwaynahana ay ka dalbadeen xisaab xidhkii sannadlaha iyo miisaaniyadeeda, balse aanay weli ahayn.

Ahmed-nuur Samraawi