๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐ž ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐Ž๐จ ๐‡๐š๐ค๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐š๐๐ฎ ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐๐ก๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐ง ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐’๐š๐›๐š๐›๐ญ๐š.

0
176

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐ž ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐Ž๐จ ๐‡๐š๐ค๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐š๐๐ฎ ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐๐ก๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐ง ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐’๐š๐›๐š๐›๐ญ๐š

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhamaadkii sannadkii hore wareegto dhaqan gal ah kusoo saaray miisaaniyada sannadka 2023, ayaa hor istaag ku sameeyay qaybo [Heads] ka mid ah miisaaniyada sanadkan cusub 2023.

Hay’addaha uu hakiyay qaybo ka mid ah kharashkii ugu jiray miisaniyada waxaa ka mid ah golaha Wakiilada, oo uu ka hakiyay qarashaadkii ay ugu tala galeen hawl socodsiinta ee ay kordhsadeen, waxa kale oo jira Hay’addo kale oo ka mid ah fulinta kuwaas oo iyagana la hakiyay qaybo ka mid ah miisaniyaddooda.

Talaabadan uu qaaday Madaxwayne Biixi ayaa ka dhalatay, kadib saluug uu ka muujiyay qaabka ay usoo dhigeen golaha wakiiladu Miisaaniyada ay usoo gudbiyeen, sida ay i sheegeen ila wareedyo la hubo.

Golaha Wakiillada ayaa kharashaad badan oo ka mid ahaa hawl socodsiintoodi ka jaray waxda Fulinta ee ay ugu horayso Madaxtooyadu, wakhtigii ay gacanta ku hayeen, halka iyaguna ay korodhsadeen kharashka hawl socodsiintooda, taas oo ay dhaleecayn kala kulmeen wakiiladu korodhsiga kharashka ee ay sameeyeen.

Shirgudoonka golaha iyo mudanayaasha ayaa ku hawlan sidii arinta ay ugala xaajoon lahaayeen Madaxwayne Biixi, waxaana wararku sheegayaan in meelaha qaar la isla eegay oo la isku afgartay.

Si kastaba ha ahaatee Miisaaniyadda 2023 ayaa Madaxwaynuhu wareegto ku soosaaray inay dhaqan galayso Miisaaniyadu 1 January ee sannadkan.

Ahmed-nuur Samraawi.