𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐮𝐫𝐜𝐨 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐈𝐬𝐮𝐝𝐮𝐰𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐞𝐞𝐝, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛𝐧𝐚 𝐁𝐚𝐱𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐎𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐢 𝐑𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐨.

0
199

𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐮𝐫𝐜𝐨 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐈𝐬𝐮𝐝𝐮𝐰𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐞𝐞𝐝, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛𝐧𝐚 𝐁𝐚𝐱𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐎𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐢 𝐑𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐨

Xildhibaan Saleebaan Axmed Carab oo ka tiran golaha wakiilada Somaliland ayaa saga oo kaashanaaya Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Nafaqo waxa uu magaalada Burco ku xidhay Isuduwihii wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Togdheer Maxamed Kaariye Muuse, kadib markii uu wasaarada gudaheeda ku dhex maray muran la xidhiidhay gaadhi uu leeyahay xildhibaanku oo lasoo xidhay, kadibna uu gaadhay khilaafki gacan ka hadal aan dhib wayni ka dhalan, sida ay i sheegeen dad xogogaal ahi.

Xildhibaan Saleebaan dheere ayaa ka cadhooday hor istaaga uu ku sameeyay isuduhu, waxaana uu hanjabay kala dul dhacay Badhasaabka Togdheer kaas oo u ku war galiyay in uu soo xidho isuduwaha, hadii kale uu la hadli doono Madaxwaynaha dalka.

Badhasaab Nafaqo oo kaduulaya hanjabaada uga timi xildhibaanka ayaa la kala saftay labada masuul ee isku dhacay waxaana uu amar ku bixiyay in la xidho Isuduwe Kaariye, oo loo haysto inuu ka hor yimi doonista Xildhibaanka, waxaana sidaasi ciidamada boolisku ku xidheen isuduwihii oo maalinkii Saddexaad uu ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Burco.

Odayashaa deegaannada ay kasoo kala jeedaan labada masuul ayaa utafa xaytay in ay dhameeyaan oo xaliyaan arinta labada nin, waxaa baxsaday oo la raadinayaa Xildhibaan Saleebaan Dheere oo numberadiisi hawada ka saaray, sida ay I sheegen ehelka isuduwaha xidhan oo aan la xidhiidhay.

Dhinaca kale xidhiidh aan la samaynay Xildhibaan Saleebaan Dheere ayaanay noo suuro galin, kadi markii u shaqayn waayay Mobilkiisi.

Ahmed-nuur Samraawi.