Dhimsho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Koobka Khaliijka Ciyaarta dhamaadka

0
135

Laba qof ayaa ku dhintay kadib markii ay isbuurasho ka dhacday bannaanka garoonka kubadda cagta ee dalka Ciraaq saacado ka hor ciyaartii finalka koobka Khaliijka ee u dhaxeysay Ciraaq iyo Cumaan, kaasoo lagu waday inuu furmo 7 habeenimo sida ay Ilaha caafimaadka iyo kuwa amaanka ayaa sheegaya in tobanaan qof ay ku dhaawacmeen.

Tartankan ayaa billowday 6-dii bishii koowaaf waxaana ka qeyb galaya kooxo ka kala socda lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka – Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta – iyo Yemen iyo Ciraaq.

Waana markii ugu horreysay tan iyo 1979-kii oo Ciraaq lagu qabto tartankan.

Wasaaradda ciyaaraha Ciraaq ayaa ugu baaqday taageerayaasha inay dib uga laabtaan agagaarka garoonka Palm Trunk Stadium iyadoo joogitaanka dadweyne badan laga yaabo inay ka dhigaan mid aan qabsoomin ciyaarta finalka, Aljazeera qaybteeda Carabiga ayaa sidaas sheegtay

Khadar Mucalim Deeq