Guddoomiyaha Wakiilada Oo Kulan La qaatay Xubnihii Xukuumadda Oo Laascaanood Joogay

0
177

#Sawirro Laascaanood-19-01-2023(). Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa Gaadhay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmedi, ayaa kulan la qaatay Weftiga Golaha Wasiirada ah oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamd Kaahin Axmed iyo Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa is Xogwaraysi ayaa ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, waxaana kulankan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed,