Labo falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil ku toogteen Daanta Galbeed ee la haysto.

0
117

Labo falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil ku toogteen Daanta Galbeed ee la haysto

Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay laba nin oo Falastiini ah oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la haysto, xilli ay ciidanku weerar ku qaadeen meel u dhow magaalo bir ah.

Hamamreh oo ahaa 24 iyo Khaliliyeh, 23 – ayaa la dilay maanta intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday tuulada Jaba, oo ku taal koonfurta Jenin sida ay Sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Kooxda Islamic Jihad ee Falastiin ayaa sheegtay in Xamamreh iyo Khaliliyeh ay xubno ka yihiin. Bayaan ay soo saartay kooxdu waxay ku cambaareysay dilkaas, waxayna ku tilmaantay labada nin “Shahiid geesiyaal ah”.

Waxa ay sheegtay in la dilay xilli ay isku dayayeen in ay kala dhexgalaan ciidamada israail iyo shacab.

Dhimashada dadka reer Falastiin ayaa sanadkan gaadhaysa 12 qof, iyadoo Israa’iil ay ku hawlanayd weeraro lagu hoobtay.