Madaxweyne. Xasan Sheekh Muxuu Ciidamada Usheegay

0
145

Madaxweyne. Xasan Sheekh Muxuu Ciidamada Usheega

“Waxa aan maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya anigoo faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Waxa aan Ciidamada Xooga dalka la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadooda. Maanta wixii ka dambeeyana, ciidamadani waxay galayaan diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga.

Waxaa aan xooga saari doonaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro.

Waxa aan u mahad celinayaa Dowladda Ereteriya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee aan ugu jirno dib u xoreynta dalka.