“Muusow By By 13 Nov Go,aankii Mucaaridku Waa Halkiisii” Murashax Cirro

0
125

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali iyo Wefti Ay hogaaminayaan, ayaa lagu soo dhaweeyey magaaladda Burco

Murashax Cirro oi hadal ka jeediyey soo dhaweyntiisa, ayaa  sheegay in aanuu waxba iska bedelin go,aankii Mucaaridka ee bishan 13 keeda ahaan.

Cabdiraxmaan Cirro oo Khudbad u jeediyey taageerayaal badan oo Waddani ah, ayaa Waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Muusow By By, Waxaan idiin sheegayaa markanla Gaadhi 13 Novembar go,aankii Mucaaridku waa halkiisii, Burco waxaanu Ugu nimi talo” Murashax Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidan ka yidhi magaaladda Burco oo lagu soo dhaweeyey