TPLF oo War Kasoo Saartay Heshiiskii Ay kala Saxeedeen Xuxuumadda dhexe

0
116

War-saxaafadeed ay Tplf soo saartay waxay ku sheegtay inay Dowladda dhexe markii horeba isku qabteen hirgalinta sharciga iyo Dastuurka dalka.

Waxay sheegen inay soo dhawaynayaan heshiiskan oo ay ku sifeeyen mid sharciga loogu noqonayo.Waxayse xuseen in dhaqan galkiisu ku xidhan yahay hadba danaha bulshadooda.Hirgalintiisa waxay la xidhiidhiyeen in xal loo helo xaalladaha jira iyo caqabadaha amni ee ku xeerran.

Gollaha wasiiradda Itoobiya iyo madaxwaynayasha Deegamada dalka ayaa kullan ay yesheen lagu gorfeeyay ahmiyada heshiiskan leeyhaay.Waxaa la dhisay guddiyo ay sheegen inay dhaqan galkiisa ka shaqayn doonaan.

Maalintii shalay ayaa duqaymo laga fuliyay saddex magaalo oo ay kamid yihiin Maichew iyo Adigrat.Waxaa kaloo qorshaysan kulamo lagu wado inay dhexmaran saraakisha ciiddamada Itoobiya iyo kuwa Tigreega.

Heshiiskan cusub ee la kala saxeexday waxaa biyo diidsan qurba joogta Tigreega.Walina waxaa deegankaas ku suggan ciiddamadii Eritrea oo aan dalka ka bixin,laguna xusin heshiiska habka loo wajahi doono.Dhamaan arrimahas waxay kamid yihiin caqabadaha is barkan ee looga cabsi qabo inay saameyan hirgalinta heshiiskan.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV