Taliyaha Millateriga Somaliland Oo Dagaal Ugu Hanjabay Puntland

0
110

Taliyaha Guud Ee Ciidamada mellateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal Kasoo yeedhay Punntland, waxaanuu yidhi

“Puntland Jaarbanu nahay weli Somaliland hadal xun kuma odhan waxaanu ku dhawarnaa jaarnimada, Ninka Taliyaha ee hadlayay maalin dhawaydbaa la magacabaay qurbahana wuu ka yimid, wixii dalka ka dhacay waxba kamuu ogayn”

Taliyah oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Kalmadaha uu cayda ka dhigayay isagoo aniga Ii jeeda waxaa ka mid ah Hadhuudh, Arabakhi iyo Huuno,Hadhuudhka iyo masagadu waa cuntadeena Huunana waa Aboowe oo kale,Waxaan ku leeyahay iskadaa dagaalka nabadgelyada ka shaqee kuwii kaa horeeyay waydii sidaasa lagu wada shaqayn jiray, Dagaal ayuu ka hanbajayay anaguna waanu naqaana sida loogu jawaabo.” Ayuu warbahinta u sheegay taliye Buux