Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Somaliland Iyo Puntland Dhex Maro.

0
129

Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Somaliland Iyo Puntland Dhex Maro

Ka dib Markii ay Ciidamada Millateriga Somaliland dhowaan la wareegeen Gacan ku haynta Deegaanka Boocame ee Gobolka Sool, ayaa Waxa soo baxaya halis ku Àadan in Halkaasi Dagaal ku Dhex Maro Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ayaa Boocame kula wareegtay si fudud oo aan wax dagaal ahi ka dhicin, Balse maalmo ka dib, ayaa puntland Usoo dirtay Ciidan iyo wefti masuuliyiin ah, kuwaas oo Halkaasi uga soo hanjabay Somaliland.

Labada Dhinac oo midba dhiniciisa u sheeganayo gacan ku haynta deegaankaasi, ayaa Boocame ku daabulay Ciidamo xoogan oo isku hor fadhiya, waxaana suura gal tahay in ay Labada Dhinac isku Faro saaraan Boocame oo dagaal ku dhexmaro.

Taliyeyaasha Ciidamada Millateriga Somaliland iyo Daraawiishta Puntaland, ayaa is waydaarsanaya Hanjabaado Xoogan oo salka ku haya gacan ku haynta deegaanka Boocame.

Somaliland, ayaa ku doodaysa in Boocame ay ka mid tahay dalka Somaliland oo ay ku jirto xuduudeeda, taas awgeedna aanay jirin wax u diidaya in ay ciidankeedu tagaan oo ay gacanta ku dhigaan Boocame.

Dhinaca kale Puntland, ayaa ku doodaysa in uu Deegaanka Boocame yahay Puntland oo ay iyaga maamulaan, sidaas awgeedna aanay Somaliland iman Karin, waxaanay taasi suurta gelin kartaa in ay isku dagalaan Halkaasi Labada Dhinac

Si kastaba ha ahaatee Somaliland iyo Puntaland, ayaa hore uu Dagaal Ugu dhex maray deegaanka Tuka-raq oo gacan ku haynteeda Somaliland la wareegtay.

Suxufi Khadar Mucalim Deeq