Jaamacadaha Somaliland oo ciidamada dalka nacsiiyay

0
154

Jaamacadaha Dalka oo ciidamada dalka nacsiiyay

Hargeysa – Guud ahaan ciidamada kala duwan ee dalku waxay naftood huryaal u yihiin difaaca Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaaney ku bixiyaan waxa ugu qaalisan oo ah nafta bini’aadamka.

Ciidamadu iyaga oo dalka iyo dadka u hibeeyay naftooda ognahayna duruufta ay ku shaqeeyaan iyo haynta Qarankeena, isla markaana duruufaha nololeed ee ku gadaamani ay yihiin qaar ubaahan in hoos loo eego, ayay sannadkasta xilligan oo kale jaamacadaha dalku quusgaliyaan nolosha nafta askariga.

Sannadkasta dhammaadkiisa ama lix biloodkiisa danbe, waxa loo gudba imtixaanaadka sanad dugsiyeedka dugsiyada sarre, halkaas oo ay ka soo baxaan arday u diyaara galista Jaamacadaha dallka intii ay duruuftu u saamaxdo ee haynta jeebka waalidkoodu ku filan tahay ama cid kale ka saacida waxay nasiib u helaan in ay galaan Jaamacadaha, halka aanay askarta dawladdu u awoodin ubadkooda inay waxbarasho ka bixiyaan, isla markaana dantu ku qasabto in ubadkoodu ka hadhaan waxbarashada sarre, balse marmarbay dhacda in askari ka tirsan ciidamadu hortago madaxda Jaamacadaha dalka qaarkood, kana codsado inay ilmihiisa waxbarasho u siiyaan intuu awoodana iska bixiyo inta kalena laga dhaafo, maadama aanay hayntiisu ku filayn hal qof in uu waxbarashada ka bixiyo wax ka badan.

Balse Jaamacadaha dalku inay askarta dhiirigeliyaan iska daaye waxay ka dilaan qalbiga, waxaanay u sheegaan inaanay u haynin waxbarasho ugaar ah carruurta ciidamada wixii uu bixin karayayna intii uu jiida ku maqna la kala qaatay, sidaas darteedna uu iska bixiyo.

Taasina waxa ay sababta in askarigu isweydiiyo Qaranku naftiisa u hurayay sababtu ilmihiisu waxbarasho uga waayay.

Haddaba Qaranka Somaliland, ganacsato, culima awdiin, golayaasha sharcidejinta, waxa ku waajiba in la iska xilsaaro sidii caruurta ciidamadu dhalleen loogu helilahaa adeeg bixin waxbarasho oo ay ubadkoodu bartaan.

By Khadar Horyaal