Wada Hadalada TPLF iyo Xukuumadda Abey iyo Shuruudaha ay wataan

0
155

Wada Hadalada TPLF iyo Xukuumadda Abey iyo Shuruudaha ay wataa

Wada xaajoodkan Labada Dhinac, ayaa salka ku haya sidii loo soo afjari lahaa coladdan sanadaha ka socota dalkaasi Itoobiya oo khasaare badani ka dhashay.

Dhinaca TPLF, ayaa Waxa uga qayb gelaya Getajow Reda afhayeenka Kooxdaasi iyo Xubno kale, kuwaas oo wata shuruudo ay ka mid yihiin in Dagaalka Ereteriya ka baxo dagaalka iyo in la ogalaado arrimaha bani aadam nimada si Dadka wax ay cunaan loo gaadhsiiyo.

Xubmahan TPLF, ayaa Waxa qaaday Diyaarad millateriga Maraykanku Leeyahay, waxaana wada taliyaha ciidamada Africom ee Maraykanka.

Dhinaca Xukuumadda Abey oo ay uga qayb geliayaan wefti Addis Ababa ka tegaya, ayaan la shaacin shuruudaha ay wataan, balse Waxa la filayaa in halkaas ay Labada dhinaca gondaha is deri doonaan si adagna uga wada hadli doonaan Dagaalka lagu riiqday ee weli socda sidii xal loogu heli lahaa.

Hogaamiyaha Midawga Afrika Alpha Conde, ayaa hogaaminaya dhexdhexaadinta Labada Dhinac ee TPLF iyo xukuumadda Abey Axmed, kaas oo isagu muddooyinkan damba ku hawlanaa Sidii uu Labada Dhinac isku soo hor fadhiisunnlagaa.

Waa hadallo hore oo Labada Dhinac yeesheen, ayaan midhi dhalin, in kasta oo mararka qar la sameeyey xoogaa Xabad joojin ah, balse muddo ka dib halkii uu dagaalku ka sii qarxay siina xoogayatay.

Si kastaba hanahaatee dagaalkan Itoobiya ka socda ee u dhexeeya Tplf iyo xukuumadda dhexe ayaa sababay khasare Isugu jira naf iyo maalba, kaas oo Labada dhinacba aanay waxba iskula hadhin, waxaana laga dhur sugayaa Waxa ka soo bixi doona wada xaajoodkan u furmay dhinacyada

Suxufi Khadar Mucalim Deeq