Wax Badan ka Ogow Guusha Ciyaartoyga Somalia ee 17Jirrada iyo Tababarohooda

0
191

Wax Badan ka Ogow Guusha Ciyaartoyga Somalia ee 17Jirrada iyo Tababarohood

Xulka Qaranka Soomaaliya ee ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maanta ku guuleystay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ciyaartoyda ay da’doodu ka yar tahay 17-ka sano. Waxaa ciyaartoydan hoggaaminaya oo tababare u ah nin horay Soomaaliya u soo gaarsiiyay guulo waaweyn.

Nuur Maxamed Amiin ayaa Kkooxda uu hadda wato isagoo tababare ah waxa ay tartanka socda guulo uga gaartay xulalka Itoobiya iyo Uganda, iyagoo maantana ay usoo hoyatay guul taariikhi ka dib markii ay ciyaarta kama dambeysta ah uga badiyeen xulka Suudaanta Koonfureed oo ay ku garaaceen 3-1.

Nuur Amiin ayaa BBC-da u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay sameynayaan dhallinyarada ciyaartoyda ah ee uu tababaray.

“Alle ayaan uga mahad celineynaa in uu noo hirgalay qorshaheenna, oo aan gaarnay guul,” ayuu ku yiri BBC-da, markii ay dhacday ciyaartii hore ee ay la yeesheen Itoobiya