“Inta maanku gaajaysanyahay guuli waa weli” ~Hadraawi

0
159

“Inta maanku gaajaysanyahay guuli waa weli” ~Hadraaw

Waxa qoray, Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Looge;

Sababaha aan halganka siyaasadda ugu jiro, Xisbiga aan ka midka ahay xukuumaddiisuna ay tirtiri doonto waxaa ka mid ah, in la xoreeyo maanka dhalinteenna xilalkii ay xaqa u lahaayeen looga dhigay, shaqo ay ku heleen aflagaadada ciddii beeshooda ah ee xukuumadda ka aragti duwanaata.

Waa midhaha siyaasadda magaagtay ee gacanyareyaasha hoose ee madaxweynuhu ay qofka ku canaanayaan, sababta aanu ugu jawaabin hadba qofka beeshiisa ah ee hadla. Taas oo keenta in canaan ka yaabku uu hadlo, xitaa isaga oo aan faham ka haysan mawduua laga hadlayo.

Waa halkii Michelle Obama e, ‘Kuwa aanu is haynnaa mar kasta oo ay liidasho hoos ugu sii degaan, annagu kor baanu u sii kacnaa‘.