Raysal Wasaraha Sonalia oo ka Hadlay dad lagu la laayey iyo gaadiid la gubay

0
186

Raysal Wasaraha Sonalia oo ka Hadlay dad lagu la laayey iyo gaadiid la guba

Waxaan cambaareynayaa weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada al—Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumaddu waxay garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay – waxaana Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryayaa inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.