War Kasoo Baxay Safarka Raysal Wasaare Barre

0
157

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo ka furmay maanta magaalada Tunis – kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.

Shirkan caalamiga ah oo sidoo kale qudbado ay ka jeedinayaan madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxay kaga wada hadlayaan qodobo ay ugu waaweyn yihiin kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.