Ciidan Tiro Badan Oo Dawlad Deganka Somalida Loo Tobabaray

0
184

Ciidan Tiro Badan Oo Dawlad Deganka Somalida Loo Tobabara

komishinka Booliska ismaamulka Addis Ababa ayaa tababar u soo xidhay dufcadii 26-aad oo booliska deegaanka soomalidu u tababaray ah.

Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa tababar u soo xidhay wareegii 26-aad ee ciidamo boolis ah oo tababar ku qaadanayay xarunta tababarada ciidamada gaarka ah ee degmada Birkot ee deegaanka Soomaalida.

Xafladda xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka xafiiska madaxweynaha deegaanka Soomaalida Dr xusseen Xashi qaasim, wasiirka xafiiska nabadda iyo amniga ee ismaamulka magaalada Addis Ababa Dr Qanca Yadeta koomishineerka koomishinka Booliska deegaanka Soomaalida Maxamed Xasan, koomishineerka koomishinka Booliska Addis Ababa koomishineer Jeneraal Getu Araga.