Wasiirka Gaashaandigga Somalia ayaa sidan yidhi

0
218

Wasiirka Gaashaandigga Somalia ayaa sidan yidh

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee JFS Waxa ay bogaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kaashanayo ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”.

“Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka”.

“Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaannada ku xeeran”.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn cadawga argagixisada ah”.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada dhiigmiiradka ah ee caqabadda ku noqday horusocodka, horumarka iyo guud ahaan danaha qaranka”.

“Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed”.

DHAMMAAD