Dawlad Deeganka Somalida Oo War Kasoo Saaray Xaaladada Siti

0
388

Dawlad Deeganka Somalida Oo War Kasoo Saaray Xaaladada Sit

Warmurtiyeed ka soobaxay xukuumada DDS oo ku aadan xaalada shacabka ku barakacay weerarkii Cafarta ee Galbeedka Gobolka Siti

Xukuumada DDS waxa ay xaqiijisay in tobanaan kun oo qoys oo Soomaali ah ay kusoo barakeceen weerarkii ay canfartu kusoo qaaday Galbeedka Sitti haatana ay kusugan yihiin xaalad daran.

Sidookale Shacabka la soo barakiciyey ee soo gaadhay tuulooyinka Casbuli iyo Bedhiweyn ee Degmada Erer ayaa roobabka gu’ga ee aagaasi ka da’aya gooyeen jidadkii gaadiidka gurmadka ah loo marin lahaa shacabka soo barakacay, taasi oo sababtay in muwaadiniinta lasoo barakiciyey aana deg-deg loo gaadhsiin karin wixii gar-gaar ah.

Dadaalo badan oo ay xukuumada DDS ay samaysay kadib waxaa gargaarka lagu gaadhsiiyay shacabka diyaarado helicoptor ah iyadoo lala kaashanaayo Dawlada Federal ka.

Dhanka kale Dawlada deegaanka Soomaalida oo xukuumada federaalka kaashanaysa ayaa dadaal aan kalago’lahayn ugu jirta sidii shacabka xaaladan adag kujira gurmad degdeg ah loo gaadhsiin lahaa, islamarkaana shacabka dhibaatada ba’an looga samatabixin lahaa.

Sidookale Wafti balaadhan oo ay hogaamunayaan Madaxwaynaha Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa wakhtixaadirkan gaadhay goobaha barakacayaashu kusugan yihiin iyaga oo hagaya gargaarka dag daga ah.

Geesta kale waxaan shacabka usheegaynaa in wararka shalay lagu faafiyay baraha bulshada ee ku aadan in isku day dil madaxweynaha DDS ay tahay been abuur xaqiiqada ka fog.

Dawladda Deegaanka Soomaalida
12 Nahase/2014
Jigjiga.