Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay wakhtiga ay mudaharaadada qabanayaan

0
135

Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay wakhtiga ay mudaharaadada qabanayaa

Hargeysa – Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, si rasmi ah ugu shaaciyay in Khamiista ay dhici doonaan mudaharaada mucaaradku, waxa uu sheegay in ay dhigi doonaan mudaharaad nabadgalyo oo uu dastuurku u ogolyahay.

Waxaanu yidhi.”Mudaaharaadka salmiga ahi waa xaq dastuuri ah, xisbiyada mucaaradkuna waxa ay ku wargelinayaan dhammaan taageerayaasha in bannan-bixii nabadgelyo uu dhacayo maalinta Khamiista 11ka Aug, 2022, dhammaan gobollada iyo degmooyinku waa in ay u diyaar garoobaan”.

Musharaxa ayaa qoraalkiisa kusoo gunaanaday nuqul kamid ah gabay uu leeyahay Maxamed Warsame Hadraawi.

Waxaanu yidhi. “Nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarreyntiisa sidka waad wadaagtaane, ma sagaashan baa tiisu?”.

Mucaaradka ayaa maanta mar labaad wasiirka arrimaha gudaha u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan mudaharaadka ay qaban doonaa, iyada xukuumadu jawaabtay in ogolaanshiyaha mudaharaadka ee mucaaridku ku xidhan yahay la kulanka labada guddoomiye xisbi.

Sidan oo kale, ayay mucaaradku warqad ogaysiis mudaharaad ah xukuumadda ugu gudbiyeen 25, May, 2022, balse mucaaradka ayaa ka biyo diiday shuruudo uu jidaynayo xeerka nidaamka dadweynaha, oo xukuumadu hor dhigtay.