Wafti culus oo ka socda Ciidamada Federaalka Itoobiya oo Hargeysa soo gaadhay

0
160

Somaliland: Wafti culus oo ka socda Ciidamada Federaalka Itoobiya oo Hargeysa soo gaadha.

 

Wafti culus oo ka socda Itoobiya oo uu hoogaminayo Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Burhanu kabadha iyo sarakiil kale oo sare.

 

Madaarka Hargeysa waxa si heer sare ah waftigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Waftigan ayaa hawlo shaqo Somaliland u soo gaadhay waxayna la kulmi doonan Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.

 

Xafiiska warbaahinta Ciidanka Qaranka jsl .