Ciidanka Booliska Somaliland Oo Soo Qabtay Nin Dil Geystay

0
196

Ciidanka Booliska JSL ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiigle Cabdi Cali Cismaan oo loo yaqaan (Fool) Oo xalay abaaro 11:00 Dilay marxuum la odhan jiray Maxamed Cawil Saaxil.

dilkan ayaa ka dhacay degmada Axmed Macallin Haaruun garahaan xaafadda Kaah ee Magaalada Hargaysa.

Ciidanka Booliska ayaa hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii , kuna jira hadda gacanta Ciidanka Booliska.

Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada la wadaagayaa In gacan ku dhiiglaha la horkeeni doono sharciga.

Sido kale Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta xasiloonida in gacan bir ah lagu qaban doono.

Ciidanku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL