Maamulka cusub ee DHH oo joogay 1sano iyo dheeraad illaa imaka may soo kordhin waxqabad ay kaga duwan yihiin maamulkii Hore

0
170

“Maamulka cusub ee DHH oo joogay 1sano iyo dheeraad illaa imaka may soo kordhin waxqabad ay kaga duwan yihiin maamulkii SOLTELCO oo aan ka ahayn borobagaandhe warbaahineed.

DHH oo dadku ku doorteen isbedel iyo in laga raysto nidaamkii ka horreeyey illaa imaka waxa ay hayaan tubtii kuwii ka horreeyey ee cashuur kordhin, go’aanno aan fulin iyo in kolba marka muddo la joogo waddo googo’day daamur lagu saydhiyo halkii laga filayey in ay hal abuur cusub iyo tallaabooyin horumarineed soo kordhiyaan.

Labada nidaam ee kala danbeeyey waxa kaliya ee ay ku kala duwan yihiin waa in kuwa danbe xooga saareen buunbuuninta warbaahinta bulshada.

Haddaba maxay yihiin waxyaabaha laga filayey maamulka cusubi in ay soo kordhiyaan muddadaa sannadka ka badan;

  1. Waxa ay ahayd in ay fuliyaan go’aanka xoolaha lagaga saarayo magaalada iyadoo ay barbar socoto dhirbeerista iyo waraabkooduba si ay u fuliyaan farriimihii ololaha ee ahaa Hargeisa cagaaran, rooban oo nadiif ah.
  2. Bilaabidda wadooyin cusub; waligood waddo cusub may bilaabin ee sidii maamulkii hore ayuunbay qaar jira dayac tireen marka laga reebo inyar oo ay massale galbeed ka saareen.
  3. Waxa laga filayey xaadhiddii iyo nadiifintii maalinlaha ahayd ee waddooyinka ay dhisaan lkn sidii nimankii hore waddada maalintay dhisaan ayaa ugu danbaysa. (Maintanence & sustainibility).
  4. Waxa laga sugayay in ay dhamaystiraan iftiiminta magaalada.
  5. Waxa jira degmooyin aan illaa imaka waxba loo qaban oo lagu madadaaliyo war cusub oo la yidhaa waddo bannayn iyo googooynta dhir oo kamarad la daba sido, sida 31may oo aan waligeed hal waddo oo laami ah loo samayn, ibraahin koodbuur iyo degmada ugu cashuurta badan ee 26june.
  6. Waxa lagu rajo waynaa in ay soo kordhiyaan ishaarooyinkii iyo qurxinta badhtamaha magaalada oo AuN Cawl Cilmi Cabdalle sameeyey 25 sano ka hor, lama tahli waayin ee Hagrasho iyo aqoon la’aanbaa jirta.
  7. Waxa la sugayey in shaqooyinkii kale ee DHH laga dhaqaajiyo sida waxbarashada, caaafimaadka, shaqo abuurka, biyaha iyo Amniga oo aanay qoladan cusubi sidii kuwii hore uba haysan in ay mas’uuliyadaha Dawladda hoose ka mid yihiin, waa in la ogaado dawlad hoose waa dawladdii SL oo lagu soo ururiyey degmo, wax kasta oo dawladda dhexe ku waajibay iyadana waa ku waajib.
    Tusaale; Xaafadda cusub ee loo raray Qalax (massalaha) bas ma tego, iskuul hagaasan iyo xarun caafimaad oo tayo lehna ma leh, ardaygii iyo qofka xanuusadaaba gudaha magaaladuu joogayaa waalidkiina qalax buu joogaa.
    Ugu danbayn, waxa aynu sugnaaba waa isbedelka ay sameeyaan affarta sano ee u hadhay xilli ay cashuurtiina libin laabeen.
    F.G. garabkan toosintu wuxuu tooshka ku haynayaa gaabis kasta oo ka jira DHH.

Waxaa Qorey Garyaqaan Wali Ahmed Adam