Raysal Wasaare Xamse Muxuu Ka Yidhi Somaliland

0
203

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayaa wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Soomaalilaya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wada hadli lahaayen.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu raiisul wasaaruhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland.

“Arrinta waan go’nay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wada hadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan dooneynaa,” ayuu yiri