Guddida dhexdhexaadinta Oo Kulan la qaatay Wasiirka A. Gudaha

0
196

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan Ballaadhan la qaatay Madaxdhaqameedka, Culimaa’udiinka iyo Xubno ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasoo isu xilqaamay in ay dhexdhexaadiyaan Khilaafka Sharci ee u dhexeeya Xukuumadda iyo asxaabta siyaasadda.

Kulan dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo uu wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Guddida Dhexdhexaadinta wada ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.