“Dad Dano Gaar Ah Leh Ayaa Sikale U dhigay Hadalkii Wasiirka” Wasarada A. Gudaha

0
244

WAR-SAAFADEED

Hargeisa–14-6-2022-(). Waanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaynaa in hadalkii uu xalay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ka jeediyey shirkii ay ka soo qayb galeen dhammaan waxgaradka,aqoonyahan iyo Madaxda dhaqanka ee Gobolka Sanaag, ay dad dano gaar ah lihi majaro habaabiyeen si khaldana bulshada loogu turjumay hadalkii Wasiirka, sidoo kale hadal ka yar ee la wareejinayo baraha bulshada uu yahay mid la jarjaray lana dhalan rogay si shacabka Sanaag Bari iyo Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi la isaga horkeeno.

Shirka Wasiirku ha hadlay wuxuu ahaa shir Madaxweynaha Qaranku kula kulmay dhammaan waxgaradka Gobolka Sanaag, ma ahayn shir u qaar ah waxgaradka Gobolka Badhan, Wasiirku wuxuu dardaaran ku saabsan ilaalinta degaanka iyo Joojinta Seerayaasha sharci darrada ah ka jeediyey madal ay wada fadhiyeen dhammaan reer Sanaag oo aan cidi ka maqnayn.

Hadaba kuwa hadalka Wasiirka sida khaldan bulshada ugu turjumay ama hadalka Wasiirka jarjaray waa dad ka soo horjeeda horuumarka Jamhuuriyadda Somaliland, waa shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka oo ka xun sida wayn ee Madaxweynaha Qaranka oo hogaaminaya dawladdii oo dhan ay u wajeheen Tabashadii Beesha Ballaadhan ee Warsangeli iyo guud ahaanba ahmiyada uu Madaxweynuhu siiyey Gobolka Sanaag.

Hadalka Wasiirka Wasaaradaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, isaga oo dhamaystiran wuxuu ku jiraa warbaahinta, sidoo kale waanu ognahay shaqsiyaadka jarjaray hadalka Wasiirka waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.