Guddoomiye Taash iyo Beeshiisa Oo Go’aan Wada Gaadhay, Qodobana Soo Saaray

0
221

Guddoomiye Taash iyo Beeshiisa Oo Go’aan Wada Gaadhay, Qodobana Soo Saara

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ibraahim Ataash iyo odayaasha dhaqanka ee Laascaanood oo maanta kulan ka dib soo saaray qodobadan:

1: inay laga maarmaantahay in la adkeeyo Midnimada, Nabadda iyo Wadajirka reer Somaliland.
2: inay si mug iyo miisaan leh u taageersanyihiin, maal iyo muruqna la garab istaagayaan Urur Siyaasadeedka Waaberi.
3: Inay laga maarmaantahay in bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay is diiwaangeliyaan kaadhadhkana qaataan.
4: waxay isla qaateen inay diyaar u yihiin inay wax la qaybsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.
5: waxa ay Madaxweynaha ugu baaqeen in la dardargeliyo furista Ururada oo dastuuri ah, si aanay u wiiqmin dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland ee aan kusoo caana maalnay.