Xukuumadda Somaliland oo Qaar kamid ah Warbaahinta ku eedaysay in ay faafinayaan fikrado xagjirnimo.

0
328

Xukuumadda Somaliland oo Qaar kamid ah Warbaahinta ku eedaysay in ay faafinayaan fikrado xagjirnimo.

Hargeysa – Wasiirka wasaarada howlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan Maxamed, ayaa qaar kamid ah warbaahinta ku eedeeyay in ay faafinayaan fikiradaha urrurkii Itaxaad ee sagaashamaadkii ka dagaalami jiray Itoobiya.

Wasiir Abokor ayaa sheegay in ay jiraan muuqbaahiyayaal ay leeyihiin dad xambaarsan fikrado xagjirnimo, kuwaasi oo horay uga soo qayb qaatay dagaalkii urrurka Itaxaad uu Itoobiya la galay sagaashamaadkii, imikana ku howlan in ay kala qaybiyaan bulshada Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxaa inagu soo kordhay arrin aan aad uga digayo waxa jira TV-yo dad arragtida xagjirku ku jiro ay leeyihiin, inta badan maanta waxaan ogahay xubno qayb ka ahaa dagaalkii Itoobiya ee 1995 in TV-yo loo ogolaaday, kuwaasi oo siday umada u kala qaybin lahaayeen awood badan saaraya”

Wasiir Abokor oo aan carabaabin warbaahinta uu eedaynta usoo jeediyay, ayaa ku taliyay in loobanyahay in laamaha amaanku ay talaabo ka qaadaan, madaama oo sida uu sheegay in ay warbaahintani faafinayso fikrado xagjirnimo.

Waxaanu yidhi.”Ma jecli magacyadooda in aan sheego lakiin hadii ay duruuftu nagu qasabto waan sheegayaa, lakin qofkii u baahda waxad ka garan gartaan ayaamahan wuxuu waraysanayay guddoomiyihii ugu mudada dheeraa ee urrurka Itaxaad, markaa fikrada xagjirnimada ah ee TVyadaasi ka dhex wadaan Somaliland, waxan jeclahay in laamaha amaanu talaabo ka qaadaan, wixii aanu xog ogaal u nahayna bulshada waanu la wadaagi doonaa”

Wasiirka ayaa sheegay in kadib qaraxyadii sannadkii 2008 lala beegsaday magaalada Hargeysa, ay shacabka Somaliland ka foojiganyihiin khatarta argagixisada isla markaana ay taasi keentay in anay mar danbe falal argagixiso ka dhicin Somaliland