Dagaalka Beledxaawo: Ma dhab baa in Ciidamo Kenyan ah ka gudbeen xuduuda?

0
319

Sida wararka ay sheegayaan, waxaa istaagay dagaalkii xalay illaa saaka ka socday magaalada Beledxaawo ee ku taalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Ugu yaraan 11 qof oo shan carruur ah oo isla dhalatay ay ka mid yihiin ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dhinteen.

Labada dhinac ee ku dagaallamay magaalada ayaa guulo kala sheegtay, wuxuuna midba kan kale ku eedeynayaa in weerarka iyo dagaalka uu billaabay.

Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dagaalkaas ku eedeeyay “dowladda Kenya” iyo ciidamo uu ku tilmaamay “Jabhad”.

Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin arrintan, balse horey ayey isaga fogeysay eedaha ay dowladda Federaalka ee Soomaaliya u soo jeedisay.

Kenya waxay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu yaboohay howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, waxayna askarteeda si gaar ah uga howlgalaan Jubaland.

Dhanka maamulka Jubalan, madaxweyne ku xigeenka koobaad, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC Somali la hadlay wuxuu sheegay in “ciidamadooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay iska caabiyeen”.

“Iska caabin ka dib waxaa la isla galay magaalada haddana halkaas ayey wax ka socdaan”, ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

“Saraakiisha hadda i soo wacday waxay ii sheegeen sida janaraal Cabaas oo kale inuu isaga isteeshinka joogo, iyo xarunta degmada, laakiin hadde magaaladu waa magaalo weyn oo daafaheedu ay weli xabbadaha ka dhacayaan,” ayuu hadalka ku daray.

Wuxuu sidoo kale sheegay: “Waa dhibaato Kenya ay nagu wado oo maalin walba aan caalamkana u sheegnay. Way daba taagnaayeen waxayna ku lahaayeen anagaa idiin caawineyna”.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale yiri: “Bartilmaameedkoodu wuxuu ahaa in ay qabsadaan magaalada istiraatiijiga ah ee muhiimka ah ee Beledxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo”.

“Dullaankaas ay soo wada qaadeen fallaagadaa iyo ciidamada Kenya, waxay ugu talagaleen in ay ku qabsadaan magaalada, taas oo dhabar jab iyo qaran jab ku ah madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya”, ayuu hadalka sii raaciyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidamada xoogga Soomaaliya waxay u jilib dhigeen weerarkaa. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in fallaagadii iyo shisheeyihii wada socday laga adkaaday”, ayuu yiri.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo wuxuu sheegay in ciidamo badan ay ka qabteen askartii “weerarka qaaday”.

“Hub badan oo ay soo siiyeen ciidamada Kenya ayaan ka qabsanay oo isugu jira boobayaal, hoobiyayaal iyo AK47 iyo laba xabo oo gawaarida dagaalka ah”.