Ciidamada Uganda Ee Somalia Kusugan Oo Shaaciyay Inay Dileen 189 Dagaal Yahan Oo Al Shabaab Ka Tirsan

0
269

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in weerar gaadma ah oo ay ku qaadeen saldhig ay leeyihiin Al Shabaab ay ku dileen 189 dagaalamayaal oo katirsan ururkaas.

Inkastoo dowladda federaalka aysan si rasmi ah uga hadlin arrinkan ayaa haddana wakaaladda wararka ee Dowladda Somalia ee Sonna waxay kusoo warrantay in howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada wada jira ayay Sonna sidoo kale soo warrisay in howl-gallo ballaaran ay ka sameeyeen degaanno badan oo ka tirsan Shabeellada hoose.

Ciidanka Uganda ee UPDF ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay gobolka Shabeelaha hoose.

Wakaaladda wararka ee reuters oo soo xiganeyso war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Uganda ayaa sheegtay in ciidamadooda katirsan AMISOM ay maalin kahor weerareen goob ay sheegeen inay ku dhuumaleysanayeen Al Shabaab, gaar ahaan deegaanada Sigaale, Adimole iyo Kayitoy oo qiyaastii 100 KM dhanka Koonfur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

“Weerarka ay qaadeen ciidamadeena waxay ku khaarajiyeen 189 katirsan Al Shabaab, waxaana lagu burburiyay agab milateri oo ay kooxda isticmaaleysay”, ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay ciidanka Uganda.

Waxaa kale oo ay ciidamada Uganda sheegeen inay gacanta ku dhigeen xubna sare oo katirsan Al Shabaab, kuwaas oo ay sheegen inay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Colonel Deo Akiiki waxaa uu sheegay in weerarka ay ku qaadeen Al Shabaab uu ka koobnaa dhul iyo cir, waxaana uu yiri “waa tiradii ugu badneyd ee laga dilo Al Shabaab maalin qura”.

Colonel Deo Akiiki oo sidookale la hadlay wakalaadda wararka ee AP ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaraha ah oo ka soo gaaray ciidamadooda.

Ciidamada Uganda oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa shaqadoodu tahay inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dhanka ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah xarakada Al Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al Shabaab oo ku aadan sheegashada ciidanka Uganda, mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta hadalka ka soo yeeray afhayeenka milateriga Uganda.

BBC-duna si madaxbanaan uma xaqiijin karta sheegashada ciidanka Uganda ee ah inay dileen ku dhawaad 200 dagaalamayaal ah oo katirsan Al Shabaab, maadaama uusan jirin wax dagaal ah oo la ogyahay oo ka dhacay aagaas.