Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse Oo Iftiimisay Waxa Laga Dhaxlayo Arrinta Isdhexgalka Somaliland iyo Somalia+Su’aalo ay u Diray Madaxweyne Biixi.

0
564

Hargeisa(SR):-Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse Oo  kamid Siyaasiyiinta da’da yar ee ku abtirsada Xisbul xaakimka kulmiye ayaa maanta iyadoo La hadlaysa warbaahinta waxaa ay su’aalo badan oo fariin ah u dirtay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Su’aalahan Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse ayaa daba socoda Nuxurka warmurtiyeedkii dhawaan ay soosaartay dawlada jabuuti oo ku uu jirey qodobka isdhexgalka iyo isu socodka Shacabka Somaliland iyo Somalia.

Waxa aaney ku tilmaamantay Qodobkaasi is dhexgalka mid dhabar jab ku ah qaranimada somaliland iyo hayaankii Shacabka Somaliland ay ugu jireen sidii loo heli lahaa qaran aqoonsi caalamiya dunida ka hela.

Su’aalaha ay Madaxweyne Biixi hawada u marisay ayaa kamid ah…”Mudane Madaxweyne Ma Xasuusan tahay in 50,000 oo Dhalinyar ahi u dhinteen in aan nin gayin Gacantayda Taaban,oo laga xoreeyo Gurigayga iyo gayiga aan ku noolahayba, Haddii aad madaxweyne Maanta hargeisa iigu keenayso kuwii dhintayna umaad hiilin anigana iimaad hiilin.”waxaa sidaasi tidhi siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse.

Halkan Hoose Ka Daawo Nuxurka Warkan

Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse Ayaa Kamid ahayd Da’yartii doorka laxaadka leh kasoo qaatay guusha xisbiga Talada Dalka ee Kulmiye uu ku helay Codadka tirada badan ee doorashadii aynu soo dhaafnay kuna soo baxay madaxweynaha somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.    

Iyadoo Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse Siweyn uga dhexmuuqatay ololahii baaxada lahaa ee kasocoday gobolka saaxil oo ay kamid ahayd xubnihii sida muuqata uga soo dhexbaxay Ololihii doorashada Madaxweynaha, Waxaana hore ay uga tirsanaan jirtay siyaasiyad rooda Cabdi Muuse Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani oo ay aad ugaga ololeyn jirtay dalka iyo dibedaba balse markii danbe waxaa ay si rasmiya ugu biirtay Xisbiga Kulmiye, taas oo ay kamid ahayd dadka la odhan karo waxay sabab u ahaayeen guusha xisbigu gaadhay.

 

Hargeisa Somaliland