Xukuumada Oo Ka Hadashay La Wareegidda Hargeysa CIlup Iyo Dhismaha Madaxtooyada Cusub

0
491

Xukuumadda Somaliland oo Shaaca ka Qaaday Tiradda Hantidda Dowladda ee Dib loo Soo Celiyey

Hargeysa — Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa caddeeyay in xukuumaddu xaq u leedahay inay soo ceshato hantidda ma guurtadda ah ku jirta gacanta dadka shacabka ah.

Waxaanu wasiirku soo celinta hantida maguurtada ah ee gacanta dawlada lagu soo celiyay u cuskaday odhaahda Soomaaliyeed ee tidha ‘Nin iyo baadidiisa aragtida ka dhaxeysa’

Wasiirku waxaa uu mid mid isu dul taagay intii xukuumada madaxweyne Biixi talada dalka heysay goobihii hantida ma guurtadda aheyd ee ay dib u soo celisay “Haamaha keydka shidaalka Berbera ayaa ugu horeeyay oo la soo celiyay, qaybta dhuumaha shidaalka ka soo nuuga ee Maraakiibta kuna shuba keydka haamaha shidaalka oo iyagyuna kuwa ugu mudnaa ahaa, qalabka hubbinta tayada shidaalka ayaa iyadana dib loo soo celiyay, taarikooyinka kala duwan ee waddanka sida kuwa dowladda shicibka, iyo kuwa Qaramada Midoobay iyo hay’addaha caalamiga iyo kuwa NGO-yada ayaa dib loo soo celiyay, waraaqaha waddo marista ee lagu dhajiyo muraayadaha hore ee baabuurta ayaa dib loo soo celiyey, tigidhada cashuuraha iyo cusbooneysiinta liisamada kala duwan ayaa dib loo soo celiyay.

Adeegyadda madaarka oo ka mid yihiin rarista iyo soo dejinta alaabooyinka ayaa dib loo soo celiayey, kiradda soo fadhiisadka iyo kicista iyo diyaaradaha ayaa dib loo soo celiyay, kirooyinka ku nasanaya gaadiidka barxadaha madaaradda ayaa dib loo soo celiyay, huteelka Hargeysa Club oo ka mida goobaha taariikhiga ah ee dalka ayaa dib loo soo celiyey, waxaa dib loo soo celiyay madaarka caaliga ah ee Berbera oo hore loogu bixiyay heshiis dhex maray xukuumada Somaliland iyo dalka Imaaradka Carabta”

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland la wareegay xarun madaxtooyo “Waxaa madaxweynuhu kala wareegay oo aad maqleyseen muddo faro badan xarun madaxtooyo oo dhan oo kor u dhaaftay 5-km oo dad leeyahay, ayuu madaxweynuhu ula wareegay iyada oo ay ku munaasib tahay in dalkani helo madaxtooyo u qalanta una munaasibada sharafta iyo karaamada iyo cisiga Jamhuuriyadda Somaliland”https://youtu.be/GCitv_cM7qE