DAAWO:-Warbixin XAASAASIYA: Maxaa Ka Hirgalay Qodobadii Hishiiska Xukumada Iyo Xisbiyada

0
612

Mudo ku siman todobaad ayaa laga jooga markii ay sadexda xisbi qaran iyo madaxwaynaha somaliland ay heshiis rasmiya oo la xidhiidha muranka doorashada ku kala saxeexdeen qasriga madaxtooyada somaliland kaas oo ay qayb ka ahayd besha caalamku laguna soo afjaraayay murankii mudada ka taagnaa dhinaca doorashooyinka iyo xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka.

Bulshada ku dhaqan somaliland ayaa weli u dhag taagaysa fulinta qodobadii heshiiska sadex geesoodka ahaa,
kuwaas oo sheegaya in doorashooyinka ay qabtaaan komishankii hore ee wakhtigoodu dhamaaday halka kuwa cusubna lagu heshiiyay in ay natiijada ku dhawaaqan yadoo sidoo kalena ay qayb ka yihiin xubno ka socda beesha caalamka.

QMajiro ilaa hada wax ka fulay heshiiskaasi dhexmaray xisbiyada qaranka iyo madaxwaynaha sida wararku sheegayaan marka laga yimaado kulamo hoose oo dhexmaray xukumada xubnahan komishanka ee lagu heshiiyay inay doorashada qabtaan iyo kuwa cusuba, kuwaas oo aan la ogayn waxyabaha ay kaga wada hadleen kulamadaas,
balse la aaminsan yahay in labada dhinac ay kaga wada hadleen sidii loo dhaqaajin lahaa dhaqan galinta heshiiska si loo qabto doorashooyinka.

Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaaya ayaa sheegaya in xisbiyada mucaaridka iyo madaxwaynuhu ay markale ku kala aragti duwan yihiin qaabka ay usoo buuxinayaan labadooda xubnood ee komishanka dorashooyinka qaranka ee cusub.

Inkasta oo aanu jirin war rasmiya oo laga hayo arintaasi oo kasoo baxay xisbiyada iyo xukumada balse waxa laga sugayaa xisbiyada mucaaridk ah inay soo buuxiyaan labadii xubnood ee u matali lahaa komishanka kuwaaso hore uga maqnaa xubnaha komoshanka.

Fulinta qodobadan lagu heshiiyay ayaa sidoo kale waajahaya waafajin dhinaca sharcigaa, yadoo ay jiraan xildhibaano ka tirsan guurtida iyo wakilada somaliland iyo Sharciyaqaano ku Tilmaayay qodobadii heshiiskaasi inaanu waafaqsanay dhinaca sharciga loona baahanyahay in uu dib u eegis ku sameeyo madaxwaynuhu.

Balse ma muuqanto ilaa iyo hada mudada todobaadkaa ee kasoo wareegay heeshiiskii 3 geesoodka ahaa wax talaabo ah oo muuqata oo loo qaaday dhinaca fulinta ee qodobadaasi.

Heshiiskan ayaa yimi kadib markii madaxwaynaha somaliland shaaciyay inuu furi doono ururadi siyaasada maadama oo ay is mariwaayeen xisbiyada mucaaridka ah laguna guul daraystay heshiisyo hore oo ay wada galeen, taaso meeesha ka saartay rabitaanki xisbiyada mucaaridka ah,
oo doonayay in lakala diro xubnaha komishanka cusub ee dorashooyinka waxaanay sababtay inay bad-baadsadaan xisbiyadooda oo aanay dib ugasoo bilaabin ururo siyaasadeed, yagoona ogolaadaan in ay doorashada u qabtaan komishanki ay hore u diidanaayeen.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskan oo siwayn looso dhaweeyay rajo badana laga qabo inuu soo afjimaro muranka doorashada ayaa bulshada somaliland u dhagtaagaysaa fulintiisa si ay wadanka uga qabsoomaan doorashooyinku oo aanay markale dibu dhac ugu iman.

htt1ps://youtu.be/WtPRn3-BUHU

BY AXMEDNUUR CIISE BULSHOTV STAFF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here