UJeedada Shir Hargeysa Loogu Qabtay Qaar Ka Mid Ah Saxafiyiinta Somaliland

0
422

Kulan balaadhan oo meeqaam sare leh oo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Komishanka Xuquuqal insaanka qaranku si wada jir ah u soo agaasimeen ayaa maanta ka qabsoomay Ambassador Hotel. Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumadda ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta JSL Salebaan Cali Koore, Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Qorshaynta taliya xigeenka Bilayska, xubno metelaya hayadaha caalamiga, wakiilka Somaliland u qaabilsan Ingiriiska, masuulo ka socda ururada bulshada, ergay ka socda Shirkaddaha ganacsiga iyo bahda saxaafadda, oo ujeedadiisu ahaa adkaynta xoriyadda warbaahinta JSL iyo soo bandhigidda warbixino heerka ay marayso xoriyadda iyo horumarka warbaahinta ee dalku. Masuuliyiinta kala duwan ayaa warbixinaha kadib fursad u helay in ay soo jeediyaan qorsha xukuumadeed ee horumarint warbaahinta iyo ilaalinta xuquuqdooda taas oo horseed u noqon doonta adkaynta seeska dimuqraadiyadda Somaliland.
……
A High-level Meeting we have organized ends after Minister of Information officially closed. The meeting was aimed on Strengthing Media freedom attended by Government decision makers, INGO’s & Civil society groups working in media sector, Academia and Media houses.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here