Ra’iisul Wasaaraha Ethopia Oo Sheegay Inuu Kulan Saddex Geesood Ah La Yeelan Doono Madaxweyneyaasha, Somalia iyo Eritrea

0
354

Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Ethopia Abiy Oo Sheegay Inuu Kulan Cusub Oo Saddex Geesood Ah Uu La Yeelan Doono Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Kan Eritrea Isaias Afwerki.

Abiy Ahmed Qoraal Uu Soo Dhigay Twitterkiisa Ayuu Ku Yidhi Sidan “Waxaan La Kulmi Doonaa Walaalahey, Hoggaamiyayaasha Eritrea iyo Somalia. Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi. Waxaanan Kala Hadli Doonaa Arrimo Kala Duwan.”

Waxaana Uu intaas Ku Daray in Kulanku Uu Ka Dhici Doono Magaalada Asmara. “ Sida Caadada Ah, Waxaan Hubaa in Magaalada Soo Dhoweynta Leh Ee Qaaliga Ah Ee Asmar Ay joogitaankeena Ka Dhigi Doonto Mid Farxad Leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here