Raysal Wasaare Abey Ahmed oo ka Qayb Galay Fagaaraha Dhalinyarta Addis-ababa ka Furmay.

0
514

Raysal Wasaare Abey Ahmed oo ka Qayb Galay Fagaaraha Dhalinyarta Addis-ababa ka Furmay


Addis-ababa —- fagaaraha dhalin yarta ismaamulka magaalada Addis-ababa iyadda oohalku dhig looga dhigay “Midnimadeena aan barwaaqo ugudubno”.

Islamarkaana uu Raysal wasaaraha JDFI Dr Abiy Axmed ka qayb galay ayaa caasimada dalka ee Addis Ababa lagu qabtay.

Madashan ayaa waxaa ka qagb galay masuuliyiin sare oo heer Federaal iyo heer deegaan isugu jira, islamarkaana ay ka mid yihiin maayer ku xigeenka ismaamulka magaalada Addis Ababa Eng.Taakale Umaa, hogaaminta sare ee xisbiga Barwaaqo iyo waliba inka badan 12-kun oo dhalinyarta Addis ababa ah.

Sidoo kale kulankan ayaa la sheegay inay ujeedadiisu tahay sidii geedi socodka barwaaqada ee ay Itoobiya wado, dhalinyarta dalka looga qaybgelin lahaa, loogana faa’iidayn lahaa isbadalka guud ee wadanku ku hawlan yahay, iyadoo sidoo kalena kulankan lagu soo afmeerayo kulamo wadatashi ah oo dhalinyarta Addis-ababa uga socday 7-aadyadii la soo dhaafay.

Raysal wasaare Dr Abiy Axmed oo kulankan dhalinyarta ismaamulka Addis ababa, ka hadlay ayaa dhalinyarta wadanka ugu baaqay inay dhalinyartu iska ilaaliyaan in fal walba oo xun loo adeegsado.

Dr Abiy Axmed ayaa sidoo kale dhalinyarta ugu baaqay inay Soo afjarida Saboolnimada kaliya mooye ay ku dadaalaan sidii ay isbadal iyo Barwaaqo uga keeni lahaayeen shaqooyinka kaladuwan.

geestooda, dhaliyarta ismaamulka magaalada Addis ababa ayaa Raysal wasaaraha gudoonsiiyey hadiyad cadaynaysa dadaalada uu raysalwasaaruhu ku bixiyey bilicda iyo qurxinta Addis-ababa, hadafka dhalinyarta wadanka dhiiragelinaya ee Raysal wasaare Abiy Axmed ku qoray buugiisa ‘Medemerka’ iyo isbadalada wanaagsan ee Raysal wasaaraha lagu siiyey abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobelka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here