Shirka wada tashiga maal galinta oo Jigjiga ka furmay iyo waxyaabaha laga hadlay

0
438

Shirka wada tashiga maal galinta oo Jigjiga ka furmay saaka.
……………………………..
Shirka wadatashiga maal gashadayaasha iyo xukuumada deegaanka oo looga hadlayay fursadaha maalgashi ee deegaanka ka jira iyo sidii maalgaliyayashu xooga usaari lahaayeeb fursadaha maal gashi ee jira.
Sidoo kale sidii Qurba joogtana loogu bayaamin lahaa kaalintooda sidii ay u qaadan lahaayeen,
Si wax soo saarka dalka iyo deegaanka kor loogu qaado loona yareeyo waxyaabaha dhoofka inoogu yimaada.
kulankan ayaa waxaa furay madaxwaynaha deegaanka mudane Mustafe Muxumed Cumar, oo ka waramey fursadaha maal gashi ee ka jira deegaanka.
Wasiirka xafiiska maalgalinta iyo qurbajoogta mudane Cabdisalaam Yuususf, oo isna kulankan ka hadlay ayaa sheegey in xafiskisu diyaariyey qawaaniinta maal gashiga iyo fusradaha ka jira deegaanka ee la maal gashan karo.
Furitaanka shirkan wadatashiga ah ka dib waxaa la guda galey soo jeedinta warbixinta maalgashiga 10kii sano ee u danbaysey deegaanka laga hirgaliyay caqabadihii soo wajahay iyo natiijooyinkii laga dhaxlay,iyo sidoo kale qorshayaasha hada ee la rabo in maalgaliyayaasha fursad loogu siiyo sidii ay ugu hiran lahaayeen in maalkooda gashadaan deegaanka
Waxaa sidoo kale ka Hadley madasha kulanka Cabdiraxman xaaji gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga deegaanka,Axmed wali Xasan Sharmarke iyo Cabdirashiid Sheekh Cumer oo ka mid ah ganacsatada deegaanka.

#SRTV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here