Madaxweynaha Eritrea ooKa Degay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Itoobiya Iyo Raysal Wasaare Abey oo ku soo dhaweeyey

0
390

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerk iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Gurigiisa labaad mar kale uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne Afwerk.

Inta uu jooga magaalada Addis Ababa ayaa lagu waxaa uu kulamo la qaaday doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyagoona ka wada hadli doona xiriirka u dhexeeya labada dal iyo Arrimo kale oo ku aadan Gobolka.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa maalin kahor booqasho ku tagay Magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaas uu kula soo kulmay Dhaxalsugaha Maxamed Bin Zayed.

XIGASHO Hiiraan Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here