Madaxweynaha Puntland oo saxiixay xukun dil ah oo lagu riday saddex nin oo geystay kufsi iyo dil

0
512
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, saciid Cabdulaahi Deni, ayaa saxiixay xukun dil ah oo lagu fulinayo saddex nin oo loo haystay inay kufsadeen oo dileen gabadh 12 ahayd oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan.

 

Warbaahinta Hiiraan Online oo warkaan ka xaqiijisay ilo ku dhow madaxweyne Deni, balse diiday in magacooda la xuso, ayaa sheegaya in madaxweynuhu todobaadyo ka hor uu saxiixay xukunka toogashada ah ee horyaalay xafiiska.

Waxay kaloo Hiiraan Online ogaatay in uu xukunka hadda horyaala maxkamada sare ee Puntland, taasoo laga sugayo inay fuliso islamarkaana uu kiisku halkaas kusoo gabagaboobo.

Saddexda nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu kala magacaabo Cabdi Fataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.
Xukunka raggaan oo muddoo soo jiitamayay waxaa isku raacay saddexda maxkamadood ee Puntland ee kala ah, maxkamada darajada koowaad, maxkamada racfaanka iyo maxkamada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here