Dawlada Itoobiya iyo Imaraadka Carabta oo kala Saxeexdey heshiis millateri.

0
439

Dawlada Itoobiya iyo Imaraadka Carabta oo kala saxeexdey heshiis milatari
……………….

Dowladaha Itoobiya iyo isku taga Imaraadka carabta ayaa kala saxeexday heshiis milatari oo laba geesood ah, Heshiiska ayaa waxaa kala saxeexday Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Dimuqoraadiga Itoobiya mudane Lima Megressa iyo Wasiirka Difaaca ee Iskutaga Imaaraadka Carabta mudane Mohammed bin Ahmed al-Bawdidi.

Wasiirka Gaashaandhiga mudane Lemma Megessa ayaa muujisay sida ay Ethiopia uga go’antahay xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal ka dhexeeya.

Sidoo kale Wasiirka gaashaandhigga ee isku taga Imaaraadka Carabta mudane Mohammed bin Ahmed al-Bawddi, ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska uu qayb ka yahay heshiiska uu waddanku la galay saaxibadiisa caalamka.

SRTV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here