Ururka Nabadoon Oo Xilkii Iyo Xubinnimadiiba Ka Qaaday Gudoomiyahoodii iyo Sababaha Kalifay Wakhtigan

0
399
Uruka Nabadoon oo War-murteyeed kasoo saaray Arimaha kelifay inay xilkii iyo xubinnimadiiba kala noqdaan Gudoomiyihodii oo ahayd Aamina Boroqle Waxa uu udhignaa Sidan.
Ujeedo: 
xil ka qaadis 
waxan halkan uga cadaynayna hadaanu nahay dhalinyarada ururka nabaddoon in maanta o taariikhdu tahay 27/october/2019 
xilkii iyo xubinnimadiiba laga qaaday’ Amina Jama Boqole o ahayd guddomiya ururka nabadoon taso ku kacday falal khilaafsan sharciga iyo xeer hoosadka u yaala ururka 
O ay ka mid yihiin 
1. in ay ku kacday aflagado qabiil si badheedha 
2. in ay lunsatay hantida ururku lee yahay si sharciga aan waafaqsanayn
3. in ay gudan wayday waajibkeedii iyo xilkii loo igmaday 
4. in ay ku kacday aflagaado madaxeed oo cadaynteedana la hayo hadii loo baahdo
5. in ay abaabushay fal kicin ah oo ka dhana nabada ceel afwayn 
6. in ay marin habaabisay hadafkii iyo ujeedkii loo aasaasay ururka nabbadoon 
7. in ay noqon wayday qof nabaddoonad ah oo ay noqotay siyaasiyad danihii ururka iyo magaciisiba u adeegsatay hab siyaasadaysan 
hadaba markii ay guddida anshax marinta iyo xubnaha guud ee ururku ay arkeen qodobadaa kor ku xusan dhawr jeer oo horena ay u digeen oo ay ka waantoobi wayday waxay sida sharciga ah ee ururku uu qabo laga qaaday xilkii iyo xubinnimadii
godomiyihii hore ee ururka
Aamina jaamac boqole 
waxay isla garteen labada gudi in xilkii gudomiye nimo uu si ku meel gaadh ah usii hayo mudo 7 cisho ah ‘Madar Iimaan Hirad
gudomiye ku xigeenka ururka nabaddon taasoo ah mudada xubnaha ururku ku dooranayaan gudoomiye Cusub
Alla Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here